Xoghayaha Guud ee qaramada midoobay oo ka falceliyay heshiiska Israa’iil iyo Xamaas

0
956

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa soo dhaweeyay heshiiska xabbad joojinta ee la shaaciyey in ay wada gaareen Israa’iil iyo Xamaas.
Waxaa uu qoraalku xusay inuu bogaadinaya dadaallada dibloomaasiyadeed ee dowladaha Maraykanka, Qatar, Masar iyo Turkiga ee horseeday Isfahan loo baahnaa.
Guterres ayaa dhammaan dhinacyada ka codsaday in ay u hoggaansamaan shuruudaha heshiiska.
Wuxuu sheegay in ay qasab tahay in dhammaan maxaabiista loo siidaayo si sharaf leh, in dagaalka la joojiyo oo la qaato xabbad joojin waarta.
Madaxa Qaramada Midoobay ayaa tilmaamay in si wayn loogu baahan yahay in gargaarka baniaadannimo uu si degdeg oo aan carqaladeyn lahayn u gaaro Qaza.
Waxaa uu intaasi ku daray in jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ay taageeri doonto dhaqangelinta buuxda ee is-afgaradka iyo dadaallada dib u dhiska Marinka Qaza.