Xildhibaanka deegaanka Bariga Suna ee ismaamulka Migori Junet Maxamad,Mille Odhiambo oo laga soo doortay Waqooyiga Suba iyo hoggaamiyaha aqlabiyadda ee aqalka sare ahna senatarka ismaamulka Kericho Aaron Cheruiyot oo warbaahinta kula hadlay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in ay ku faanayaan Raila Odinga in kastoo uunan ku guulaysan xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee AUC-da.
Waxay hoosta ka xarriiqeen in inta karaankiisa ah uu dadaalay.
Waxay u mahadceliyeen madaxweynayaashii codkooda ku taageeray musharraxii Kenya ee jagadan.
Sidoo kale waxay hoosta ka xarriiqeen in ay qadarinayaan hoggaamiyaasha kale ee adeegsaday xaqooda dimuqraadiyadeed ee aan ku qancin hiigsiga Raila ee qaaradda Afrika.
Siyaasiyiintan ayaa dhanka kale shacabka kenyaanka ah ku boorriyay in ay si wayn dalka ugu soo dhaweeyaan Raila Odinga.
Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta Musalia Mudavadi ayaa dhankiisa soo jeediyay in horay loo sii tallaabsado maadaama hadda laga gudbay tartankii la xiriiray hoggaaminta guddiga Midowga Afrika.