Xildhibaannada baarlamaanka oo ansixiyay hindise sharciyeedka guriyeynta

0
227

Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa xalay fiidkii ansixiyey hindise sharciyeedka guriyeynta ee la soo saaray sanadkii hore.
Waxaa hindisahan qayb ka ah in bil waliba mushaaraadka dadka shaqeeya laga jaro boqolkiiba min 1.5 iyadoo xarumaha ay ka howlgalaan ay bixinayaan qiimahan oo kale si lacagtan loogu biiriyo sanduuqa ay dowladdu ku dhisaysa guriyaha la awoodi karo.
Tani ayaa timid ka dib markii siyaasiyiinta muxaafidka iyo mucaaradka ay isbeddello ku sameeyeen qoraalkii hore ee loo soo gudbiyay.
Waxaa isbeddellada qayb ka ah in nidaam lagu maareeyo lacagihii shaqaalaha laga jarayay tan iyo bishii toddobaad ee sanadkii hore.
Sidoo kale waxaa fursad la siinaya kenyaanka si aynan qofka qasab ugu noqon inuu barnaamijkan lacago ku biiriyo.
Mudanayaasha ayaa sidoo kale soo jeediyay in la soo dhiso guddi madax bannaan oo maareynaya canshuurta ay dadweynaha ku bixiyaan qorshahan.
Sidoo kale waxay ku taliyeen in dhaqaalahan ay wadaagaan dowladda sare gaar ahaan laanta qaran ee guriyeynta iyo ismaamullada.
Waxaa uu hadda qorshuhu yahay in hindisaha uu baarlamaanka ansixiyay loo gudbiyo aqalka sare ee dalka .
Haddii ay senatarrada ansixiyaan waxaa la hor geyn doonaa madaxweynaha dalka William Ruto si uu qalinka ugu duugo oo uu xeerkan u dhaqan galo.
Intii ay socotay doodda baarlamaanka waxaa golaha iskaga baxay ku dhawaad 20 ka mid ah siyaasiyiinta isbeheysiga mucaaradka ee Azimio la Umoja oo uu hor kacayay madaxa dhanka kala dambeynta ee Azimio ahna xildhibaanka deegaanka Bariga Suna ee ismaamulka Migori Junet Maxamad.
Mudanayaashan ayaa walaac ka muujiyay qaabkii uu baarlamaanka u wajahayay hindise sharciyeedka guriyeynta ee la ansixiyay.
Talaadadii ayay ahayd markii qorshahan uu maray akhrinta labaad ee baarlamaanka iyadoo ay xilligaasi codkooda ku taageereen 141 xildhibaan halka 58 kalena ay ka soo horjeesteen.