Waxaa muddo 11 sano ka dib si rasmi ah u dhaqan galay xeer loogu talagalay in lagu maareeyo ururrada rayidka ee ka jira gudaha wadanka kaasi oo loo yaqaano The Public Benefit Organizations (PBO) Act.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof.Kithure Kindiki ayaa arrinkan xaqiijiyay.
Xeerkan ayaa mideynaya sharciyada lagu maamulo ururrada rayidka ah waxaana la soo saaray sanadkii 2013-kii in kastoo tan iyo xilligaasi ay xannibnayd dhaqangelintiisa.
Waxyaabaha uu qeexaya waxaa ka mid ah in si daahfuran loo diiwaangeliyo oo loo maareeyo ururrada bulshada ee ka howlgalo gudaha wadanka.
Nidaamkan ayaa fududeynaya geeddisocodka diiwaangelinta ururradan wuxuuna meesha ka saaraya caqabadaha jira ee dhanka maamulka.