Xafiiska QM ee arrimaha xuquuqul aadanaha oo lala wadaagay in Israa’iil ay hal mar dishay 11 Falastiiniyiin ah

0
266

Xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha xuquuqul aadanaha ayaa sheegay inuu helay warbixin ah in ciidamada Israa’iil ay dil wadareed u gaysteen ugu yaraan 11 qof oo Falastiiniyiin ah.
Tani ayay hay’addu sheegtay inay noqon karto dambi dagaal oo laga gaystay Qaza.
Dilalka ayaa toddobaadkan laga fuliyay xaafadda Rimal ee magaalada Qaza.
Waxay hay’addu wax laga xumaado ku tilmaantay in rag lagu hor dilay xubnaha qoysaskooda.