Wufuud ka kala socota Xamaas iyo Israa’iil oo ku shiraya dalka Masar,xili Israa’iil ay sii wado duqeymaha Qaza

0
643

Wufuud ka kala socota Xamaas iyo Israa’iil, oo ay weheliyaan dhexdhexaadiyayaasha, ayaa lagu wadaa inay ku shiraan dalka Masar si ay wada-hadallo uga yeeshaan, iyadoo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ugu baaqay wada-xaajoodayaasha inay si “dhakhso u dhaq-dhaqaaqaan” si loo soo afjaro dagaalka ku dhow labada sano ee Marinka Gaza.
Xamaas ayaa sheegtay in wafdigooda uu madax u yahay Khaliil al-Hayya, oo ah madaxa kooxda wada xaajoodka kaasi oo lagu bartilmaameedsaday isku day dil oo Israel ay ka geysatay Qatar bishii hore.
Iyadoo la bilaabayo wadahadalada dagaalka Qaza Israa’iil ayaa wali sii wada duqeymaha xoogan ay ka gaysanayso Qaza.