WHO oo ku baaqday in loo diyaar garoobo caabuqyada faafa

0
311

Agaasimaha guud ee Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ,Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa waddamada kala duwan ee caalamka ugu baaqay inay u diyaar garoobaan wax ka qabashada caabuuqyada faafa ee mustaqbalka.
Waxaa uu sheegay in cudurkii COVID-19 laga bartay inay jireen gaabadyo dhanka diyaar garowga iyo qorshaha ah.
Mas’uulkan ayaa sheegay in xanuunkaasi uu dunida ka abuuray culeys badan.