Mucaaradka Congo oo qorsheynaya dibadbax la mamnuucay

0
258

Siyaasiyiinta mucaaradka ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ee DRC ayaa sheegay inay maanta sameyn doonaan dibadbax.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaasi ay sheegtay in aan la qaban karin wax mudaaharaad ah.
Mucaaradka Congo ayaa cabasho ka muujinaya qaladaad ay sheegayaan inay dhaceen xilligii doorashada guud ee toddobaadkii hore.
Sabtidii ayay ahayd markii 5 qof oo ka mid ahaa musharraxiinta xilka madaxweynenimo ay warqad u gudbiyeen duqa magaalada Kinsasha .
Waxay xilligaasi ku wargeliyeen inay damacsan yihiin in maanta oo Arbaco ah ay dibadbax sameeyaan.
In kastoo arrintan la mamnuucay, haddana xubnaha mucaaradka ee DRC Congo ayaa ku adkeysanaya inay ka dhabeyn doonaan qorshahoodii.