Weerar lagu qaaday dad u doodayay la haystayaasha Israa’iil

0
354

Lix qof ayaa ku dhaawacantay magaalada Boulder ee gobolka Colorado ee waddanka Maraykanka kaddib markii dab la qabadsiiyay dad bannaan-baxa ka dhigayay magaaladaas.
Dadka la weeraray ayaa qabanayay dibad-bax ay kaga soo horjeedaan lahaystayaasha Israa’iil ee ku xiran marinka Qasa.
Ciidamada FBI-da ee Maraykanka ayaa falkan ku tilmaantay mid argagixiso.
Dhacdadan ayaa lagu eedeeyay nin magiciisa lagu sheegay Maxamed Sabry Soliman oo 45 jir ah oo u dhashay dalka Masar kaasi oo dal-ku-galkiisu uu dhacay 2023-kii.
Muuqaal la soo bandhigay ayaa muujinaya dad isku dayaya inay caawiyaan kuwa dhaawacmay.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil ayaa ku tilmaamay dhacdadan “Weerar Argagixiso oo nacayb ah oo la la beegsaday dadka Yuhuudda ah.