Waxaa lagu soo warramayaa in qof waardiye ah oo dhalasho ahaan ka soo jeeday dalka Nepal iyo qof hubeysan oo rasaas furay ay dhinteen.
Dhacdadan ayaa saameysay qunsuliyadda dowladda Maraykanka ay ku leedahay magaalada Jeddah ee boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Ilaa iyo hadda ma cadda sababta ka dambeysay weerarkaasi oo dhacay shalay maqribkii.
Ninka rasaasta furay ayaa la sheegaya inuu baabuur ku hor qabtay qunsuliyadda iyadoo ilaalada ay ka falceliyeen tallaabada uu qaaday waxaana is rasaaseynta ku dhintay qof ilaalo ahaa iyo ninkii weerarka fuliyay.




