Wasiirrada IGAD oo ku shiraya Jabuuti xilli Geeska Afrika uu wajahayo cunno iyo dawo yari

0
178

Wasiirrada arrimaha dibadda iyo mas’uuliyiin sare oo ka socda dowladaha xubnaha ka ah Urur-Goboleedka Horumarinta IGAD ayaa isugu yimid magaalada Jabuuti, halkaas oo uu ka socdo Kalfadhiga 74-aad ee aan caadiga ahayn ee Golaha Wasiirrada IGAD.
Kulanka ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii xumaanayaan caqabadaha bani’aadannimo iyo amni ee ka jira guud ahaan Geeska Afrika.
Madaxda gobolka ayaa kulanka uga wada hadlaya nabadda, amniga, xaaladda bani’aadannimo iyo iskaashiga, iyadoo gobolka uu marayo marxalad xasaasi ah.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jabuuti, Abdoulkader Omar, ayaa hoggaaminaya kulanka, waxaana sidoo kale ka qaybgalaya wakiillo ka socda hay’adaha caalamiga ah oo ay ku jirto Qaramada Midoobay.
Markii uu kulanka furayay, Guddoomiyaha Golaha Wasiirrada IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa soo dhaweeyay wafdiga ka socda Suudaan, wuxuuna iftiimiyay baaxadda dhibaatooyinka bani’aadannimo ee gobolka ka jira.
“Ku dhowaad 49 milyan oo ka mid ah dadkeenna ayaa si ba’an ugu baahan cunto, halka in ka badan 19 milyan oo qof ay ku barakaceen dalalka IGAD,” ayuu yiri.
Gebeyehu wuxuu sheegay in Suudaan ay weli xuddun u tahay qaar ka mid ah dhibaatooyinka ugu daran ee gobolka ka jira, iyadoo colaadda dalkaasi ay sii waddo inay dhaliso baahiyo bani’aadannimo iyo barakac.
Si kastaba ha ahaatee, guddoomiyaha IGAD ayaa ka digay in gobolka lagu qiimeeyo oo keliya dhinaca colaadaha iyo dhibaatooyinka bani’aadannimo, isagoo tilmaamay horumarka ay gaareen ururka iyo dowladaha xubnaha ka ah.
Gebeyehu wuxuu sheegay in 77 boqolkiiba meelihii mudnaanta la siiyay ee Xoghaynta IGAD ay ku socdaan qorshihii loo dejiyay lixdii bilood ee hore ee sanadkan, halka nidaamyada digniinta hore ee ururkuna ay dhaafeen bartilmaameedyadii loo dejiyay muddadaas.