Wasiirrada arrimaha gudaha , waxbarashada iyo arrimaha dibadda oo lagu sheegay kuwa ugu waxqabadka fiican

0
289

Kenyaanka ka qayb qaatay ra’yi uruurintii ay sameysay shirkadda daraasaadka ee TIFA ayaa sheegay in wasiirrada wadanka uu ugu waxqabad fiican yahay wasiirka arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki.
Kindiki oo horay u soo noqday senatarkii ismaamulka Tharaka Nithi ayaa helay buundo dhan boqolkiiba 65.
Waxaa soo raaca madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka arrimaha dibadda Musalia Mudavadi.
Nambarka saddexaad ee liiska waxqabadka wasiirrada dowladda dhexe waxaa soo galay wasiirka wasaaradda waxbarashada Ezekiel Machogu.
Musalia Mudavadi ayaa soo hooyay boqolkiiba 62 halka waxqabadka wasiirka tacliinta ee dalka Ezekiel Machogu uu yahay boqolkiiba 58.
Nambarka afaraad waxaa soo gashay wasiiradda caafimaadka Susan Nakhumicha oo heshay boqolkiiba 57 waxaana ku soo xiga dhigeeda gaadiidka iyo waddooyinka Kipchumba Murkomen.
Ra’yi uruurintan ayaa la sameeyay intii u dhexeysay 25-kii bishii hore ilaa 7-dii bishan Diseembar.
Waxaa warbixinta ra’yi uruurinta ku cad in wasiirka arrimaha gudaha Prof. Kithure Kindiki iyo dhigiisa gaadiidka Kipchumba Murkomen ay ugu horreeyaan dhanka booqashada ismaamullada wadanka.
Marka la eego wasiirrada ugu badan ee dibadda u safray waxay kala yihiin Musalia Mudavadi, wasiirka macdanta iyo kheyraadka badaha Salim Mvurya, iyo wasiirka cayaaraha Ababu Namwamba .