Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Wasiirka tacliinta oo beeniyay in dugsiyada dalka ay dhaqaale la’aan haysato

Wasiirka tacliinta oo beeniyay in dugsiyada dalka ay dhaqaale la’aan haysato

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalkani Kenya Prof. George Magoha ayaa gaashaanka u daruuray baaqyo ku aaddan in dabagal lagu sameeyo isticmaalka lacagaha ay dowladdu siiso dugsiyada.
Waxaa uu sheegay in arrintan ay tahay mid lagu marin haabinayo dadweynaha.
Magoha ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladdu ay xoogga saartay sidii xarumaha waxbarashada ay ku heli lahaayeen lacago ku filan.
Sidoo kale waxaa uu kuwo aan sax ahayn ku sheegay warar ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta dalka oo ah in la joojiyay dhaqaalihii la siin jiray dugsiyada.
Wasiirka ayaa ku celceliyay in xarumaha waxbarasho ee dowladda ay haystaan miisaaniyad ku filan oo ay ku maareyn karaan howlahooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments