Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa digniin adag u diray shakhsiyaadka dhaca dhulalka ee ismaamulka Kajiado iyo guud ahaan wadanka.
Waxaa uu wacad ku maray in laga qaadi doono tallaabooyin adag oo waafaqsan xeerarka wadanka.
Kindiki ayaa ka dib kulan uu la qaatay saraakiisha ammaanka iyo ciidamada sirdoonka ee Kajiado sheegay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay cirib tirka boobka dhuleed.
Meelaha ugu badan ee ay falalkan saameeyeen ee ka tirsan ismaamulka Kajiado ayuu wasiirka ku sheegay degmooyinka Kitengela, Isinya, Kiserian iyo Rongai .
Waxaa uu wasiirka arrimaha gudaha iyo maamulka qaran hoosta ka xarriiqay in aan marnaba laga gaabin doonin in gacanta lagu soo dhigo oo dacwado lagu soo oogo shakhsiyaadka dhaca dhulalka.