Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi, ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Japan, isagoo sheegay in xaaladda “kacsan” ee hadda ka jirta gobolka ay sabab u tahay jebinta “laga xumaado” ee Mareykanka uu ku sameeyay Is-afgaradka (Memorandum of Understanding), sida ay sheegtay wakaaladda wararka Fars.
“Xalku waa mid fudud; haddii dhinaca Mareykanka uu ku soo laabto oo uu u hoggaansamo waajibaadkiisa, isla markaana uu saxiixo Is-afgaradka, waxay taasi waddada u xaari doontaa in xaaladdu caadi ku soo noqoto.” Ayuu yiri Wasiirka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Japan, Toshimitsu Motegi, ayaa la sheegay inuu walaac ka muujiyay sii kordhaya xiisadda gobolka, wuxuuna carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo “wadatashi iyo isku-duwid diblomaasiyadeed oo joogto ah” oo ay dalalku yeeshaan, si loo xaqiijiyo nabadda iyo xorriyadda maraakiibta ee marinka Hormuz.




