Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo amniga dalka Kipchumba Murkomen ayaa cambaareeyay shaqaaqadii ka dhacday Kaniisadda Witima ACK ee Othaya, ismaamulka Nyeri, kaas oo lagu beegsaday Madaxweyne ku xigeenkii hore Rigathi Gachagua.
Adeeggii kaniisadda ayaa hakad galay ka dib markii dad la rumaysan yahay inay yihiin saraakiil booliis ah oo xiran dharka caadiga ah ay bilaabeen inay u adeegsadaan sunta dadka ka ilmeysiisa iyo inay rasaas ridaan.
War-saxaafadeed uu soo saaray xalay , Murkomen wuxuu cambaareeyay jebinta sharciga, isagoo ku tilmaamay dhacdooyinka weerar toos ah oo lagu qaaday qiyamka dimuqraadiyadda.
Wasiirka ayaa sheegay inuu tan iyo markaas wadahadallo la yeeshay taliyaha Guud ee Booliska Douglas Kanja si loo hubiyo in baaritaan dhammaystiran si degdeg ah loo sameeyo isla markaana la maxkamadeeyo dambiilayaasha.
Dhankiisa madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi gachagua ayaa ku cambaareeyay wasiirka arrimaha gudaha Kipchumba Murkomen baaritaanada uu sheegay in lagu sameynayo dhacdadan.
Isagoo ka hadlayay dhacdada ka dib, Gachagua wuxuu ku eedeeyay booliiska inay abaabuleen rabshadaha wuxuuna su’aal ka keenay sida baaritaannada ay u sameyn karaan isla mas’uuliyiinta uu sheegay inay ku lug leeyihiin.
Home Wararka Kenya Wasiir Murkomen oo cambaareeyay dhibaatadii ka dhacday kaniisad ku taala ismaamulka Nyeri




