Wasaaradda tacliinta oo yareysay casharrada lagu qaadanaya CBC

0
510

Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa yareysay casharrada ay qaadanayaan ardayda adeegsanaya manhajka tacliinta ee CBC.
Tani ayaa timid ka dib isbedello uu soo jeediyay guddi uu madaxweynaha dalka u magacaabay dib u eegista nidaamkan waxbarasho.
Wasaaradda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ardayda dhiganaya fasallada Grade 1 ilaa Grade 3 ay qaadan doonaan toddobo maado.
Tiradan ayaa horay ahayd 9 maadooyin ah.
Sidoo kale tirada casharrada oo ahaa 35 ayaa lagu soo reebay 31.
Xoghayaha joogtada ee wasaaradda waxbarashada ee dalka Dr.Belio Kipsang ayaa sheegay in howlaha nadaafadda iyo nafaqada lagu biiriyay arrimaha deegaanka.
Ardayda dhiganaya fasallada Grade 4,5 iyo 6 oo horay qaadan jiray 10 maado ayaa hadda baran doono 8.
Sidoo kale casharrada ardaydan oo ahaa 40 toddobaadkiiba ayaa lagu soo reebay 35.
Sidoo kale wasaaradda ayaa maadooyinka ay qaataan ardayda dhigta dugsiyada Junior Secondary School ee JSS ka dhigtay 9 maadaama ay horay ahaayeen 14 maado.
Casharrada oo ahaa 40 toddobaadkiiba ayaa lagu soo reebay 35.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda waxbarashada ee dalka Dr. Belio Kipsang ayaa sheegay in manhajka dib u eegista lagu sameeyay uu laga billaabo bisha Koowaad ee sanadka 2024-ta diyaar ku ahaan doono shabakadda rasmiga ee machadka horumarinta manaahijta dalka ee (KICD) iyadoo dugsiyadana lala wadaagi doono.