Waxaa uu qorshuhu yahay in wasaaradda maaliyadda ee dalka ay dowladaha ismaamullada ku wareejiso lacag dhan 7.4 bilyan oo shilin.
Dhaqaalahan ayaa loo adeegsan doonaa la tacaalidda saameynta isbeddelka cimillada.
Tani ayaa qayb ka ah barnaamijka maalgelinta maxalliga ee wax ka qabashada cimillada ee (FLLoCA).
Barnaamijkan waxaa si wadajir ah u maalgelinaya dowladda dhexe, ismaamullada , Bangiga Adduunka, dowladaha Denmark, Jarmalka , Netherlands, iyo Sweden.
Ujeeddada laga leeyahay ayaa ah inuu xoojiyo ka soo kabashada dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimillada.
Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee dalka Prof. Njuguna Ndung’u ayaa sheegay in dowladda oo kaashanaysa deeq bixiyeyaasha ay diyaar u tahay in maalgelinta la xiriirta xallinta saameynta isbeddelka cimillada la gaarsiiyo bulshooyinka ugu nugul.