Waddooyin loo xiray dibad-baxyada Saba Saba awgood gudaha Nairobi

0
174
Booliis ayaa bar koontarool ka sameeyay iridda laga galo Hoyga Madaxtooyada ee Kisumu

Kontoroolka booliska ayaa Talaadadii maanta la dhigay waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Nairobi, iyadoo gaadiidka dadweynuhuna uu aad u yaraa, maadaama dadka ay filayeen dibad-baxyada Saba Saba.
Baraha kantaroolka ayaa lagu arkay qaybo ka mid ah waddooyinka Jogoo Road, Mombasa Road iyo Thika Road, iyadoo socodka baabuurtuna uu ahaa mid gaabis ah. Sidoo kale, waddooyinka aada dhismaha Baarlamaanka ayaa lagu jaray siligga korontada.
Maanta oo ah 7-da Luulyo, waxay ku beegan tahay sannad-guuradii 36-aad ee ka soo wareegtay dibad-baxyadii taariikhiga ahaa ee Saba Saba, kuwaas oo loogu ololeynayay nidaamka xisbiyada badan, dhaliyeyna in la rido nidaamkii hal xisbi ahaa.
Wixii markaas ka dambeeyay, Kenyanka waxay maanta oo kale u soo bixi jireen waddooyinka si ay uga cawdaan xadgudubyada xuquuqul insaanka ee ay dawladdu geysato.
Dibad-baxyadii dhacay 2025-kii ayaa isu beddelay kuwo dhimasho keenay, iyadoo Guddiga Qaran ee Xuquuqul Insaanka Kenya KNCHR uu xaqiijiyay in 38 qof ay dhinteen, halka ugu yaraan 130 kalena ay dhaawacyo la tacaalayaan dalka oo dhan.
Taliyaha Booliska Gobolka Nairobi, Cissa Maxamuud, ayaa ku dhawaaqay in dibad-baxyada qorsheysan ee Saba Saba ay yihiin kuwo sharciga darro ah, isagoo cuskanaya ogeysiis la’aan, wuxuuna ka digay in qof kasta oo isu soo baxa loo aqoonsan doono dambiile.
Koox u ololaysa arrimaha bulshada oo fadhigeedu yahay Nairobi ayaa ogeysiis ku saabsan dibad-baxa qorsheysan ee Saba Saba ee ka dhacaya Nairobi u dirtay Taliyaha Guud ee Booliska Doglas Janja iyo hay’adaha kale ee amniga.
Ogeysiiskaas, ururka Grassroots Economic Justice Movement ayaa ku sharaxay marinka ay mari doonaan ku dhawaad 3,000 oo ka qaybgalayaal ah si ay baarlamaanka uga dalbadaan inuu soo dhexgalo arrimaha la xiriira dilalka ka baxsan sharciga iyo dadka la waayo.
Kooxdu waxay sheegtay in ka qaybgalayaashu ay ka socdaali doonaan fagaaraha Jeevanjee Gardens ilaa dhismayaasha Baarlamaanka, halkaas oo ay ku wareejin doonaan codsiga cabashadooda.