Waaxda saadaasha hawada oo sheegtay in roobabka ay sii socon karaan bishan oo dhan

0
490

Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa soo saartay dignin ah in roobabka culus ee wadanka ka da’aya ay sii jiri karaan guud ahaan bishan Shanaad ee May.
Waxay waaxdu hoosta ka xarriiqday in maalmaha nagu soo aaddan ay saameynta sii badato.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ilaa iyo hadda gudaha wadanka ay ku barakaceen in ka badan 130,000 oo qof.
Roobabka ayaa sababay in webiyada iyo biyo xireennada ay buuxdhaafaan tani oo horseedday daadad dheeraad ah.