Waaxda DCI-da oo gacanta ku dhigtay shakhsi lagu heley raashiin bacrimin ah

0
499

Saraakiisha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa xiray eedeysane waday raashiin bacrimin ah oo ay dowladda dhexe leedahay.
Eedeysanaha oo magaciisa lagu sheegay Robert Kipngetich Bett ayaa laga soo qabtay aaga Ololulunga ee ismaamulka Narok xilli uu doonayay inuu iibiyo bacriminta.
Howlgalkan oo ay sameeyeen saraakiisha waaxda DCI-da qaybteeda qaabilsan dambiyada culus ayaa raashinkan bacriminta ah ka soo helay goob kaniisad ah.
DCI-da ayaa intaasi ku dartay inay gacanta ku soo dhigeen 252 jawaan oo bacrimin ah islamarkaana uu midkiiba yahay 50 kiilogram.
Eedeysanaha ayaa lagu wadaa in maanta maxkamad la soo taago.
Ilaa hadda waxa xabsiga loo taxaabay 9 eedaysane oo lagu soo oogay inay si musuqmaasuq ah ku heleen bacriminta dowladda, kuwaas oo ay ku jiraan labo sarkaal oo ka tirsan wasaaradda beeraha ee dalka.