Ururka Tafatirayaasha Warbaahinta KEG ayaa si adag u cambaareeyay weerar lagu qaaday laba wariye oo shaqadooda gudanayay intii ay tabinayeen kulan uu qabtay xisbiga UDA oo ka dhacay deegaanka Cherangany ee dowlad deegaanka Trans Nzoia.
Labada wariye oo kala ah Gilbert Sitati iyo George Njoroge ayaa la weeraray, waxaana la sheegay in arrintan ay la xiriirto war ay ka diyaarinayeen heshiis muran dhaliyay oo ku saabsan gaadiid gurmad oo been abuur ah oo lala xiriirinayo xafiiska madaxweynaha.
Guddoomiyaha ururka, Zubeidah Kananu, ayaa sheegtay in weerarkan uu yahay mid si toos ah u dhaawacaya xorriyadda warbaahinta iyo xaqa shacabka ay u leeyihiin helitaanka xogta, iyadoo ka digtay kororka weerarrada iyo cabsigelinta lagu hayo wariyeyaasha, gaar ahaan goobaha siyaasadda.
Ururka ayaa ugu baaqay Taliyaha guud ee booliiska in la sameeyo baaritaan degdeg ah oo hufan, isla markaana sharciga la horkeeno dhammaan kuwii ka dambeeyay weerarka. Sidoo kale waxaa ay digniin u dirtay hay’adaha dowladda, iyagoo sheegay in haddii tallaabo degdeg ah la qaadi waayo ay qaadi doonaan dacwad gaar ah, halka shacabka iyo wariyeyaashana lagu dhiirrigeliyay in ay soo gudbiyaan wixii cabsi gelin ama weerar ah.
Home Wararka Kenya Ururka KEG oo dalbaday caddaalad ka dib wariyeyaal la garaacay iyagoo tabinayay...




