UNRWA oo sheegtay in ugu yaraan 100,000 oo qof ay ka qaxeen Rafah

0
566

Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan daryeelka qaxootiga Falastiin ee UNRWA ayaa sheegtay in ilaa 110,000 oo qof oo Falastiiniyiin ah ay ka qaxeen magaalada ku taalla Koonfurta Qaza ee Rafah.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo ay ciidamada Israa’iil sii ballaarinayaan howlgallada militari.
Waxay diyaaradaha dagaalka ee F-16 iyo kuwa aan duuliyaha lahayn ku weerarayaan daaraha la deggan yahay iyo goobaha dadweynaha ee guud ahaan magaaladaasi.
Dhanka kale ugu yaraan 34,904 qof ayaa lagu dilay duqeymaha Israa’iil ee Qaza halka la dhaawacay 78,514 kale tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore.