Ugu yaraan shan qof oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Koonfurta Kordofan ee dalka Suudaan

0
107

Ugu yaraan shan qof, oo uu ku jiro ilmo, ayaa lagu dilay, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen kadib markii koox fallaago ah ay duqeyn ku qaadday goobo ay dad shacab ah deggan yihiin oo ku yaalla gobolka Koonfurta Kordofan ee dalka Suudaan.
Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan ayaa sheegtay in weerarku ka dhacay magaalada Dilling, waxaana loo adeegsaday madaafiic.
Hay’addan caafimaad ayaa kooxda Dhaqdhaqaaqa Xoreynta Shacabka Suudaan – Waqooyi ku eedeysay inay mas’uul ka tahay duqeynta.
Weerarka ayaa lagu qaaday xaafado ay ku nool yihiin dad rayid ah, iyadoo khasaaraha dhimashada iyo dhaawacyadu ay kordheen.
Dagaalka ka socda Suudaan ayaa sababay khasaare badan oo soo gaaray shacabka, iyadoo goobaha ay dadku deggan yihiin ay marar badan noqdeen meelaha ay ku dagaallamaan dhinacyada iska soo horjeeda.