Ugu yaraan shan askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka Kenya, oo ay ku jiraan afar xubnood oo ka tirsan Cutubka Hawlgallada Gaarka ah SOG iyo hal Askari Kayd ah oo ka tirsan Booliska Qaranka NPR, ayaa la dilay Talaadadii kadib markii gaarigii ay saarnaayeen uu ku dhacay walxaha qarxa oo gacanta lagu sameeyay ismaamulka Mandera.
Qaraxa ayaa dhacay ka hor intii aysan kooxda la kulmin weerar ay boolisku ku tuhunsan yihiin inay fuliyeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab. Weerarkaasi ayaa sidoo kale sababay in qaar ka mid ah ciidamada ammaanka ay dhaawacmaan, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta booliska.
Dhacdadan ayaa ka dhacday deegaanka El-Raamo ee Kutulo, oo ku yaalla waddada muhiimka ah ee Alungu Main Supply Route MSR, meel u dhow xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya. Waxaa lagu tilmaamay mid ka mid ah weerarradii ugu dhimashada badnaa ee dhacay maalmihii u dambeeyay.
Sida ay boolisku sheegeen, walxaha qarxa ee IED-da ayaa la rumeysan yahay in la aasay 21-kii Luulyo, iyadoo kooxdii weerarka fulisay ay halkaasi ku sugaysay roondo amni ka hor inta aysan bilaabin weerarka qorshaysan.
Kooxdan hubeysan ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay lagu arkayay deegaanka, taasoo keentay in ciidamada ammaanku xoojiyaan roondooyinka, kuwaas oo ugu dambeyn isu beddelay kuwo dhiig ku daato.
Koox gurmad ah oo loo diray inay badbaadiso dhibbanayaashii ugu horreeyay ayaa dib loogu celiyay kadib markii gaadhigoodii gaashaaman uu ku dhacay walax kale oo qarax ah , taasoo gebi ahaanba burburisay gaadhiga.
Ciidamadii ku dhaawacmay weerarkii ugu horreeyay ayaa markii dambe diyaarad loogu qaaday Nairobi si loogu soo daweeyo.
Saraakiil sare oo uu hoggaaminayay Ku-xigeenka taliyaha guud ee booliska, Gilbert Masengeli, ayaa booqday isbitaalka lagu daweynayay dhaawacyada.
Hay’adaha ammaanka ayaa bilaabay baaritaanno ku saabsan dhacdadan, iyadoo sidoo kale la geeyay ciidamo dheeraad ah si loo adkeeyo ammaanka deegaanka loona baadi-goobo kooxdii weerarka fulisay.




