Waxaa la xaqiijiyay in ugu yaraan 4 qof ay ku dhinteen dhulgariir saameeyay jasiiradda Taiwan.
Dhulgariirka laga soo tabiyay xeebta bari ee Taiwan ayaa cabbirkiisa lagu sheegay 7.5.
Musiibadan ayaa la diiwaangeliyay abaare 7.58 daqiiqo ee subaxnimo ee saacadda jasiiraddaasi.
Dhulgariirka oo laga dareemay caasimadda Taiwan ee Taipei, Koonfurta Japan, Bariga Shiinaha iyo dalka Filibiin ayaa lagu tilmaamay midkii ugu waynaa ee taariikhda Taiwan soo maray tan iyo sanadkii 1999-kii.
Waxaa dhacdadaasi ku dhaawacmay ilaa 50 qof oo kale.
Burburka ugu badan ee ka dhashay dhulgariirka saameeyay Taiwan ayaa laga soo tabiyay magaalada ku taalla dhanka bari ee Hualien iyo deegaannada buuralayda ee dariska la ah magaaladaasi.