Ugu yaraan 33 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay Pakistan

0
368

Ugu yaraan 15 ka mid ah saraakiisha amniga iyo 18 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay weerarro isku xiran oo ay rag hubeysan ka fuliyeen gobolka Balochistan ee dalka Pakistan, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta maxalliga ah. Weerarradan ayaa ah dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee rabshado ka dhaca gobolka koonfur-galbeed ee muddo dheer ay colaadaha ka jireen.
Weerarrada ayaa lagu beegsaday dhowr saldhig oo booliis oo ku yaalla magaalada Quetta, oo ah caasimadda gobolka. Booliiska ayaa sheegeen in rag hubeysan oo lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin kooxo Baloch ah ay bilaabeen weerarka abaare 3-da aroornimo waqtiga maxalliga ah.
Pakistan ayaa tobannaan sano la tacaalaysay dhaqdhaqaaq gooni u goosad ah oo ka jira Balochistan, halkaas oo kooxaha fallaagada ay beegsadaan ciidamada dowladda, ajaanibta iyo dadka aan u dhalan gobolka. Gobolka Balochistan ayaa hodan ku ah kheyraad macdan ah, wuxuuna xuduud la wadaagaa Afghaanistan iyo Iiraan.
Saraakiisha booliiska ee afar degmo ayaa sheegay in weerarrada aan weli si buuxda loo xakamayn, iyadoo ciidamada amniga ay weli wadaan howlgallo lagu sugayo amniga.