In ka badan 23 ruux ayaa ku dhintay goob dahabka laga soo saaro oo ku duntay Bartamaha dalka Venezuela.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in goobtaasi ay ahayd mid furan oo si sharci darro ah looga ganacsanayay.
Waxaa khasaare nafeed ee ka dhashay dhacdadaasi xaqiijiyay sarkaal maxalli ah oo u warramay wakaaladda wararka ee AFP oo lagu magacaabo Yorgi Arciniega.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda badbaadinta rayidka ee dalka Venezuela ,Carlos Perez Ampueda ayaa barta X ku sheegay in dad badan ay shilkaasi ku dhinteen.
Waxaa uu xusay in la aaminsan yahay in ilaa 200 oo qof ay ka shaqeynayeen goobta dahabka laga soo saaro ka hor inta aynan dumin.