Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay dhulgariir xooggan oo cabbirkiisu yahay 7.7, kaas oo ku dhuftay bariga Indonesia, waxaana xigay tobannaan gariirro dambe.
Hay’adaha gurmadka ayaa sheegay in hirar tsunami ah oo ka hooseeya hal mitir laga diiwaangeliyay meelo ka tirsan Indonesia. Digniintii tsunami-ga ayaa la qaaday qiyaastii saddex saacadood kadib markii dhulgariirku dhacay.
Magaalada dekedda ah ee Maumere, kooxaha samatabbixinta ayaa helay meydadka 20 qof, halka lix qof ay dhaawacmeen, laba kalena ay ku hoos jiraan burburka dhismayaasha, sida uu sheegay madaxa hay’adda samatabbixinta magaaladaasi, Fathur Rahman.
Maumere waa magaalada ugu weyn gobolka Sikka ee Jasiiradda Flores. Kooxaha gurmadka ayaan weli gaarin deegaanka Nagekeo oo ah meesha ugu dhow xuddunta dhulgariirka, iyadoo isgaarsiinta deegaankaasi ay saameysay.
Waddooyinka loo marayay Nagekeo ayaa waxaa xannibay dhul-go’o, halka koox kale ay isku dayayso inay halkaasi ku gaarto doon.
Hay’adda Qaranka ee Maareynta Musiibooyinka Indonesia ayaa sheegtay in ku dhawaad 2,000 oo qof laga daadgureeyay Nagekeo, iyadoo burbur laga soo sheegay guryo, bakhaarro iyo xarumo dowladeed.
Mas’uuliyiintu waxay sidoo kale sheegeen in qaybo ka mid ah gobolka ay saameeyeen ciriiriga gaadiidka iyo koronto la’aanta.
Guddoomiyaha gobolka bariga Nusa Tenggara, Emanuel Melkiades Laka Lena, ayaa sheegay in ugu yaraan shan qof ay ku dhinteen burburka dhismayaal ku soo dumay xilli ay hurdeen.




