Ugu yaraan 11 qof oo lagu dilay toogasho ka dhacday xaafad ku taalla Koonfur Afrika

0
79

Ugu yaraan 11 qof, oo ay ku jirto haweeney uur leh, ayaa lagu dilay kaddib markii rag hubeysan ay gudaha u galeen guri ku yaalla xaafad ka tirsan magaalada Durban ee Koonfur Afrika.
Weerarka ayaa dhacay xilli dambe Talaadadii , sida uu sheegay Thamsanqa Ntuli, oo ah madaxa maamulka gobolka KwaZulu-Natal, kaas oo Durban ay tahay magaalada ugu weyn. Kooxda weerarka geysatay ayaa guriga gudaha u gashay wax yar ka hor 11-ka habeenimo , xilli dhibbanayaashu ay ku jireen xaflad guri ka socotay.
Laba qof ayaa ka badbaaday weerarka, sida uu sheegay Ntuli, isagoo intaa ku daray in sababta dilka aanay weli caddaan.
Warbaahinta maxalliga ah ee eNCA ayaa sheegtay in kooxaha hubeysan ay dhammaan dadkii guriga ku jiray ku qasbeen inay hal qol isugu tagaan, ka hor inta aysan rasaas ku furin. Waxay sidoo kale dab qabadsiiyeen gaari uu lahaa mid ka mid ah dhibbanayaasha.
Sida lagu sheegay bayaan boolis oo ay soo xigatay eNCA, baaritaannadii hordhaca ahaa ayaa muujiyay in qaar ka mid ah dadka la dilay ay ku jireen xogta Sirdoonka Dambiyada ee Koonfur Afrika, sababo la xiriira tuhunno ku saabsan falal sharci-darro ah. Bayaanka boolisku faahfaahin dheeraad ah kama bixin.
Koonfur Afrika ayaa ka mid ah dalalka dunida ee heerka dilalku aadka u sarreeyo, iyadoo celcelis ahaan maalin kasta la dilo ku dhowaad 60 qof, marka loo eego dadweyne tiradoodu ku dhowdahay 62 milyan.