Iran oo hanjabaadda Trump ee baabi’inta ku tilmaantay calaamad muujinaysa quus istaraatiiji ah

0
97

Milatariga Iran ayaa meesha ka saaray hanjabaaddii Donald Trump ee ahayd in la baabi’in doono Jamhuuriyadda Islaamiga ah, iyagoo sheegay in ay diyaar u yihiin inay ka jawaabaan weerarro burburin badan oo ka culus kuwii hore ee dagaalka.
Bayaan ay baahisay wakaaladda wararka Mehr, Taliska Guud ee Ciidamada Iran ayaa madaxweynaha Maraykanka ku eedeeyay inuu madasha Qaramada Midoobay ee Golaha Guud u adeegsaday inuu ku marmarsiiyoodo gardarrada.
“Hadalladan waxay muujinayaan halka ay Maraykanku istaraatiijiyad ahaan ku xayirmeen, marka loo eego gardarrada ay kula kacayaan shacabka Iran,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Waxa kale oo bayaanka lagu sheegay in hanjabaadaha soo noqnoqday ee Trump “aysan ahayn calaamad awood, balse ay yihiin calaamad muujinaysa quus istaraatiiji ah”.
Iran ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamadeedu ay diyaar u yihiin inay qaadaan weerarro ka dhan ah Maraykanka iyo Israa’iil, kuwaas oo noqon kara kuwa ka burbur badan oo aan la saadaalin karin marka loo eego weerarradii hore ee dagaalka.