Trump oo sheegay Ruushka iyo Ukraine ay billaabi doonaan waddahadallada xabad joojinta

0
364

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay, ka dib markii uu la hadlay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, in xukuumadaha Moscow iyo Kyiv “ay si degdeg ah u bilaabi doonaan wada xaajood” xabbad-joojin iyo soo afjarid dagaalkooda oo hadda ku jira sannadkii afraad.
Putin ayaa sheegay in dadaallada lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda ay u muuqdeen “wadadii saxda ahayd” Moscow-na ay diyaar u tahay in ay kala shaqeyso Ukraine qoraal ku saabsan heshiis nabadeed oo mustaqbalka ah.
Hoggaamiyaha Ruushka ayaa uga mahadceliyey Trump taageeridda dib u billaabidda wadahadallada tooska ah ee u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine, waxaa uuna sheegay in Trump uu xusay taageerada Ruushka ee nabadda, inkastoo su’aasha muhiimka ah ay tahay sida loogu socdo nabadda.
Haddii heshiisyo ku habboon la gaaro, markaas waxaa jiri karta xabbad-joojin, ayuu yiri Putin, isaga oo intaa ku daray in wadahadallada tooska ah ee u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine “ay bixiyaan sabab lagu rumaysto in aan guud ahaan ku soconno waddada saxda ah”.
Trump ayaa Putin kadib qadka taleefoonka kulahadlay madaxweynaha Ukraine Vlodomor Zelensky, Guddoomiyaha Midowga Yurub Ursula von der Leyen iyo madaxda Faransiiska, Talyaaniga, Jarmalka iyo Finland.