Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Ukraine ay tahay inay Volodymyr Zelenskyy ku beddesho hoggaamiye cusub, isaga oo dhaliilay weerarrada Kyiv ku qaaday warshadaha sifeynta shidaalka ee Ruushka, kuwaas oo uu ku eedeeyay inay qayb ka qaateen sare u kaca qiimaha naaftada xilli Mareykanku isu diyaarinayo doorashooyinka dhexe ee dalka.
“Waxaan soo jeedinayaa inay helaan hoggaamiye cusub oo heshiis gaari kara,” ayuu Trump Sabtidii ka sheegay Aqalka Cad, isaga oo intaas ku daray in “sababo jira awgood uusan \[Zelenskyy\] marnaba sidaas sameyn”.
Trump ayaa sheegay in muddadii uu Zelenskyy hoggaaminayey Ukraine ay dalkaasi “luntay boqolkiiba 30 dhulkeeda, isla markaana in ka badan hal milyan oo qof ay dhinacyada labada dal ka dhinteen, guud ahaanna ay dhinteen in ka badan laba milyan oo qof. Waa dagaal aan waligiis bilaaban lahayn. Waxaanan qabaa in la gaaray waqtigii Ukraine ay heli lahayd madaxweyne cusub.”
Hadalka Trump ka dib, wasiirka arrimaha dibadda Ukraine ayaa difaacay Zelenskyy.
Trump, oo Jimcihii heshiis la galay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo ku saabsan iibsashada naaftada Ruushka si loo yareeyo qiimaha shidaalka ee sarreeya ka hor doorashooyinka dhexe ee Mareykanka, ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay ku cadaadinayey Zelenskyy inuu joojiyo weerarrada ka dhanka ah kaabayaasha tamarta ee Ruushka.
Waxa uu sidoo kale isku dayay inuu Ukraine ku eedeeyo qiimaha naaftada ee Mareykanka oo gaaray heerkii ugu sarreeyey abid, halkii uu mas’uuliyadda saari lahaa dagaalka uu Mareykanku hoggaaminayo ee ka socda Iran, kaas oo sare u qaaday qiimaha tamarta ee suuqyada caalamka.
Trump ayaa Sabtidii sheegay in haddii uu madaxweynaha Mareykanka ahaan lahaa sannadkii 2022, “dagaalkaasi uusan waligiis bilaaban lahayn.”




