Ugu yaraan 109 qof oo ku dhintay doon ku qallibmatay Jabuuti

0
95

Hay’adda Caalamiga ee Socdaalka ee IOM ayaa bayaan ay maanta soo saartay ku sheegtay in ugu yaraan 109 ruux oo 15 ka mid ah ay carruur yihiin ay ku dhinteen doon ku qallibmatay Xeebta dalka Jabuuti.
Waxay intaasi ku dartay in ugu yaraan 116 qof oo kale weli la la’yahay
IOM ayaa xustay in dhibaatadan ay ka dhacday meel u dhow Guhere ,Bariga Xeebta Jabuuti.
Doonta ayaa ka soo baxday Jabuuti waxayna ku wajahnayd dalka Yemen iyadoo sidda in ka badan 300 oo qof.
Madaxa Howlaha IOM ee dalka Jabuuti, Alexandre Coissac ayaa sheegay in ka badan 80 qof oo dhammaantood u dhashay Itoobiya inay shilkaasi ka badbaadeen.
Waxaa uu tilmaamay in kooxaha hay’adda oo kaashanaya maamullada maxalliga ah inay wadaan howlgallo lagu raadinaya rakaabka weli la la’yahay.
Coissac oo hoosta ka xarriiqay inuu ka xun yahay khasaaraha nafeed ee dhacdadaasi ka dhashay ayaa carrabka ku adkeeyay in tani ay weli dunida si cad u xusuusinaysa khatarraha ay wajahaan dadka tahriibaya iyagoo raadsanaya fursado nololeed oo wanaagsan.