Trump oo sheegay in diyaaradaha Venezuela la soo ridi doono haddii ay khatar geliyaan maraakiibta Mareykanka

0
386

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka digay in, haddii diyaaradaha dagaalka ee Venezuela ay dul maraan maraakiibta ciidamada badda ee Mareykanka iyaga oo khatar gelinaaya amnigooda la soo ridi doono.
Digniinta madaxweynaha ayaa timid ka dib markii Venezuela ay diyaarad militari dul marisay dhow markab oo Mareykanka laga leeyahay oo marayay Koonfurta Ameerika.
Dhanka kale Madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro ayaa sheegay in eedeymaha Mareykanka ee ku saabsan dalkiisa aysan ahayn mid run ah, isla markaana kala duwanaanshiyaha u dhexeeya quruumaha uusan sabab u ahayn “isku dhac militari”.
Tan iyo markii uu xafiiska ku soo noqday bishii Janaayo ee sanadkan Trump ayaa waxaa uu si joogto ah u xoojiyay dadaalladiisa ka hortagga ka ganacsiga daroogada ee Latin America.