Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Xildhibaannada Mareykanka, Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib, laga saaro dalka Mareykanka, ka dib markii labadan xildhibaan ee xisbiga Dimuqraadiga ay qayliyeen intii uu Trump jeedinayay khudbaddiisa sanadlaha ah.
Intii uu Trump hadlayay Talaadadii, Tlaib oo u dhalatay Falastiin iyo Cumar oo dhalasha ahaan ka soo jeeda Soomaaliya ayaa cambaareeyay siyaasadaha Trump ee la xiriira xakamaynta socdaalka iyo tallaabooyinka uu qaaday ee ku aaddan soo galootiga.
Trump ayaa gelinkii dambe ee Arbacada ku qoray bartiisa bulshada ee Truth Social in labada xildhibaan oo Muslimiinta ah ah ay u dhaqmayeen sidii “siyaasiyiin musuqmaasuq iyo qallooc ah” kuwaasoo ay wanaagsan tahay in laga saaro Mareykanka.




