Qoys murugaysan ayaa ku baaqay in si degdeg ah tallaabo sharci ah loo qaado ka dib markii shaqaalaha bas ay leedahay shirkadda Super Metro lagu eedeeyay inay gaariga oo socda ka tuureen nin 25 jir ah ka dibna gaari marsiyeen isagoo dhinaca waddada yaalla, taasoo keentay dhimashadiisa.
Qoyska Joseph Mureithi ayaa sheegay in dhacdada ay habeenimadii Talaadada ka dhacday jidka u dhexeeya magaalooyinka Kitengela iyo Namanga. Mureithi, oo ahaa shaqaale shidaal ka shaqeyn jiray Athi River, ayaa la sheegay inuu ka soo baxay shaqadiisa ka dibna raacay baska si uu Nairobi ugu laabto.
Booliiska ayaa xabsiga dhigay darawalka iyo gacan yarihiisa halka baska la dhigay saldhigga Booliiska Athi River. Waxa sidoo kale la sheegay in ciidanka Dembi-baarista (DCI) ay kaalin degdeg ah ka qaateen qabashada baska iyo soo celinta amniga goobta.




