Trump oo ku andacooday in Iiraan ay ka shaqaynayso gantaallo xawaarahooda soo gaari karo Mareykanka

0
422

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii sheegay in Iiraan ay doonayso inay horumariso gantaallo awood u leh inay ku dhuftaan Maraykanka, isla markaana ku eedeeyay Xukuumadda Tehran inay dib u dhiseyso barnaamijkeeda nukliyeerka oo sanadkii hore uu Mareykanka isku dayay inuu burburiyo.
Maraykanka iyo Iiraan ayaa ku guda jira wadaxaajood xasaasi ah oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iiraan iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin gantaallada, iyadoo Trump uu sheegay inuu doorbidayo diblomaasiyadda balse uu diyaar u yahay inuu xoog isticmaalo haddii wadaxaajoodyadu fashilmaan.