Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku heshiiyey inuu hoos u dhigo cashuuraha Mareykanka ee alaabaha Hindiya laga keeno ilaa 18 boqolkiiba halkii ay ka ahaan lahaayeen 50 boqolkiiba, taasi oo beddel u noqonaysa Hindiya oo yareynaysa caqabadaha ganacsiga isla markaana joojinaysa iibkeeda saliida Ruushka, isla markaana iibsanaysa saliida Mareykanka iyo, suurtagal ahaan tan Venezuela.
Trump ayaa qoraal uu ku soo dhajiyey baraha bulshada, ka dib wada hadal uu la yeeshay Raa’iisul Wasaare Narendra Modi, ku sheegay in heshiiska ganacsi ee labada dal uu dhaqan galay isla markiiba, isagoo cashuurta is daba joogga ah hoos u dhigay.
Mas’uul ka tirsan Aqalka Cad ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in Mareykanka uu ka qaaday cashuur ciqaabeed oo boqolkiiba 25 ahayd oo lagu soo rogay dhammaan alaabaha Hindiya laga keeno, taasoo la xiriirtay iibsigii saliida Ruushka, kaas oo hore loogu daray heerka 25 ee cashuurta is dabajoogga ah.
Sidoo kale, Modi ayaa ballan qaaday inuu iibsan doono alaab Mareykan ah oo ka badan 500 bilyan oo doolarka Mareykanka ah, oo ay ka mid yihiin tamarta, tiknoolojiyada, beeraha, iyo badeecooyin kale, sida uu Trump sheegay.




