Ugu yaraan toddoba qof ayaa lagu dilay weerar ay burcad hubeysan ka geysteen Kitui, halka guryo badan la gubay

0
74

Ugu yaraan toddoba qof ayaa lagu dilay weerar loo maleynayo inay geesteen koox burcad ah oo ka dhacay tuulada Kamari ee deegaanka Tseikuru ee dowlad deegaanka Kitui Sabtidii shalay ahayd.
Kooxo hubeysan oo la tuhunsan yahay inay yihiin xoolo dhaqato ayaa weerarka fuliyay, iyagoo rasaas ku furay dad beero ka shaqeynayay, kadibna u baxsaday keydka magaalada Mwingi iyagoo watay gaari noociisu yahay Toyota Probox.
Guddoomiyaha ammaanka dowladda dhexe ku matallo ismaamulka Kitui, Erastus Mbui, ayaa xaqiijiyay in dadka dhintay ay ka mid yihiin hal haweeney iyo lix rag ah.
Hal qof ayaa ka badbaaday weerarka balse dhaawac culus ayaa soo gaaray, waxaana lagu daweynayaa isbitaalka Tseikuru ee Heerka Afaraad.
Weerarka ayaa sidoo kale sababay in guryo la gubo, iyadoo qoysas badan ay hoy la’aan noqdeen. Mas’uuliyiinta ayaa tilmaamay in dhacdadan ay la xiriiri karto falal aargudasho ah, halka dadka deegaanka ay ka cabsi qabaan weerarro kale.