Ugu yaraan 43 qof oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 21 qof oo gargaar doon ahaa, ayaa lagu dilay guud ahaan Marinka Qaza tan iyo waaberigii saaka, sida ay sheegeen ilo caafimaad.
Wasaaradda Caafimaadka ee Qaza ayaa sheegtay in 15 ka mid ah dadka gargaar doonka ahaa ay u dhinteen ciriiri iyo neef qabatin ka dhalatay suntan dadka ka ilmeysiisa oo lagu riday Falastiiniyiinta ku sugnaa xaruumaha gargaar qaybinta ee Hay’adda Bini’aadantinimo ee Qaza ee loo soo gaabiyo GHF oo ku yaalo magaalada Khan Younis ee koonfurta Qaza.
Horaantii weerar ay Israa’iil ku qaaday xero ay degganaayeen dadka barakacay ee ku taalla deegaanka al-Mawasi ayaa lagu dilay sagaal qof.




