Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ee dalka Falastiin ayaa sheegtay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay la diiwaangeliyay in labo qof oo dheeraad ah ay u dhinteen gaajo iyo nafaqo darro.
Tani ayaa tirada guud ee dadka u geeriyooday xaaladdan ka dhigaysa in ka badan 113.
Dhanka kale , laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii , waxaa duullaanka military ee Israa’iil ee Qaza ku dhintay ugu yaraan 59,219 ruux halka la dhaawacay 143,045 kale.




