Tirada dadka ay Israa’iil ku dishay Qaza oo gaartay in ka badan 29,000

0
151

Duqeymaha ay Israa’iil ka gaysanaysa Qaza oo ka tirsan Falastiin laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore ayaa waxaa ilaa iyo hadda lagu dilay ugu yaraan 29,092 ruux.
Tirada weerarrada lagu dhaawacay ayaa ah 69,028 qof.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaadday wasaaradda caafimaadka ee dalka Falastiin.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay maanta maxkamadda caalamiga ee cadaaladda ee (ICJ) ee magaalada Hague , dalka Netherlands ay billowday dhageysiga dacwado looga soo horjeedo in Israa’iil ay tan iyo sanadkii 1967-dii haysato dhulka Falastiin.