Taliyaha booliiska oo shaqaalaha garsoorka u xaqiijiyay badqabkooda

0
207

Taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Japhet Koome ayaa dhammaan howlwadeennada waaxda garsoorka ee waddanka u xaqiijiyay in badqabkooda la sugaya.
Bayaan uu soo saaray ayuu Koome ku sheegay in adeegga qaran ee booliiska ee (NPS) uu ku dadaali doono in dhammaan shaqaalaha waaxda garsoorka oo ay ka mid tahay madaxa cadaaladda dalka Martha Koome xilli kasta la siiyo ilaalo ku filan.
Amniga shaqaalaha waaxda garsoorka ee dalka ayaa la xoojiyay sanadkii 2021-kii xilligaasi oo la aasaasay qaybta booliiska ee cadaaladda.
Koome ayaa dhanka kale tacsi u diray qoyska iyo ehellada xaakinka geeriyootay ee Monica Kivuti wuxuuna caafimaad degdeg ah u rajeeyay saraakiisha dhaawaca ah.