Madaxweynaha Ruushka oo tagaya Kuuriyada Waqooyi

0
153

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa lagu wadaa inuu safar lagu tilmaamay mid naadir ah 24 sano ka dib ku tago Kuuriyada Waqooyi.
Tani ayaa muujinaysa sida ay xukuumadda Moscow u xoojinaysa iskaashiga kala dhexeeya Pyongyang.
Waxay arrintan timid ka dib markii madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un uu caasumaad rasmi ah u fidiyay Putin xilli uu bishii Sagalaad ee sanadkii hore tagay bariga fog ee waddankaasi.
Vladimir Putin ayaa 18-ka ilaa 19-ka bishan ku sugnaan doono Kuuriyada Waqooyi.
Madaxweynaha Ruushka ayaa markii ugu dambeysay tagay jamhuuriyadda Kuuriyada Waqooyi bishii Toddobaad ee sanadkii 2000, afar bilood ka dib markii ugu horreysay ee hoggaanka dalkiisa loo doortay isagoo xilligaasi la kulmay aabaha madaxweynaha hadda Kuuriyada Waqooyi hoggaamiyaha Kim Jong Il.