Supreme Court oo Jimcaha go’aan ka gaari doonta sharcinimada habraaca xil ka qaadistii Gachagua

0
352

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua ayaa Jimcaha berrito ah la filayaa inuu ogaado natiijada dacwaddiisa ka dhanka aheed xil ka qaadista, iyadoo Maxkamadda ugu Sareysa dalka ee Supreme Court ay go’aan ka gaari doonto in Ku xigeenka madaxa caddaaladda Philomena Mwilu ay ku shaqeysay awooddeeda dastuuriga ah markii ay magacawday garsoorayaal dhageysta dacwadaha ka dhanka ah ka qaadistiisa xilka.
Kiiska ayaa salka ku hayaa sharcinimada go’aankii Mwilu ay ku dhistay guddi garsooreyaal ah oo ka tirsan Maxkamadda Sare kaasoo qaaday amarro ku meel gaar ah oo hor istaagayay xil ka qaadista Gachagua. Bishii Nofeembar 2024-kii, guddiga saddexda garsoore ah ayaa qaaday amaradaas, taasoo u suurtagelisay Prof Kithure Kindiki in loo dhaariyo xafiiska ku xigeenka hoggaamiyaha qaranka.
Maxkamadda Rafcaanka ayaa markii dambe xukuntay in Dastuurka uu awoodda dhisidda guddiyada garsoorka uu u xilsaarayo madaxa caddaaladda oo keliya, marka laga reebo xaalado si aad u kooban loo qeexay. Sidaas darteed, waxaa ay go’aamisay in magacaabistii Mwilu ee guddiga qaabilsanaa dacwadaha la xiriira xil ka qaadista ay ahayd mid sharci darro ah.
Ka dib go’aankaas Barlamaanka Qaranka ayaa u gudbiyay dacwad Maxkamadda ugu Sareysa dalka ee Supreme Court, isagoo dalbanaya in la laalo xukunkii Maxkamadda Rafcaanka lana ansixiyo tallaabooyinkii Mwilu. Dhankiisa, Gachagua ayaa gudbiyay rafcaan is daba joog ah, isagoo ka codsaday Maxkamadda ugu Sareysa dalka inay si degdeg ah u diido dacwadda Baarlamaanka, kuna eedeeyay Golaha Qaranka inuu ku takri falay habraaca garsoorka isla markaana qaatay mowqifyo is khilaafsan oo ku saabsan awoodaha Ku xigeenka madaxa caddaaladda.