Shiinaha oo beeniyay inuu hurinaya colaadda Ruushka iyo Ukraine

0
404

Dowladda Shiinaha ayaa beenisay in ay hurinaysa xiisadda ka dhex taagan dalalka Ruushka iyo Ukraine.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha Mao Ning ayaa sheegtay in ay taageerayaan nabadgalyada oo aynan abid colaadda kicin.
Waxay hoosta ka xarriiqday in loo baahan yahay in la aqoonsado dhammaan dadaallada nabadeed ee lagu soo afjaraya duullaanka militari ee uu Ruushka ku hayo Ukraine.
Tani ayaa timid ka dib markii uu madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy , xukuumadda Beijing ku eedeyay in ay isku dayaysa inay Ruushka garab ku siiso sidii loo carqaladeyn lahaa shir nabadeed oo bishan lagu qabanaya dalka Switzerland.
Waxaa uu qorshuhu yahay in kulankan uu qabsoomo 15-ka ilaa 16-ka bishan Lixaad ee June.
Mao Ning ayaa xustay in mowqifka Shiinaha ee shir nabadeedka uu yahay mid daahfuran.
Waxay sheegtay in ay aaminsan yihiin in iyadoo la is kaashanaya ay dhinacyada dagaallamaya heshiiyaan.
In ka badan 80 ergooyin ah ayaa xaqiijiyay in ay ka qayb geli doonaan shirka nabadda ee Switzerland.