Dowladda dhexe ayaa shaaca ka qaadday in laga billaabo 1-da bisha Saddexaad ee sanadkan qaab casri ah loo soo saari doono shahaadooyinka la bixiyo marka uu qof geeriyoodo ama uu dhasho.
Waxaa sidatan sheegay xoghayaha joogtada ee waaxda socdaalka wadanka ,Julius Bitok.
Mas’uulkan ayaa hoosta ka xarriiqay in qorshahan uu yahay mid la jaanqaadaya daahfurka macluumaadka gaarka ah ee qofka lagu aqoonsan karo ee (UPI) oo ay carruurta hadda ka dhib dhasha abid u adeegsan doonaan sida aqoonsiga qaran oo kale.
Waxaa uu xoghayaha xusay in dokumeentigan la siin doono dhammaan carruurta kenyaanka ah.
Sidoo kale waxaa helaya carruurta dibadda ugu dhashay muwaadiniinta wadanka iyo kuwa u qalma in la siiyo muwaadinnimada Kenya.
Waxaa uu Bitok bayaan ku sheegay in marka uu qofka geeriyoodo in UPI uu noqonaya nambarka shahaadada dhimashada.
Tani ayaa looga gol-leeyahay in meesha looga saaro gaabadka la xiriira bixinta dokumeentiyada dhimashada iyo dhalashada.
Sidoo kale nambarka khaaska ee qofka lagu aqoonsan karo ee UPI waxaa loo isticmaali karaa in dugsiyada la iskaga diiwaangeliyo iyo sidoo kale nambarka lagu diiwaangelinaya ardayda u fariisanaya imtixaannada qaran.
Nambarka UPI ayaa sidoo kale marka uu qofku da’a ahaan gaaro 18 sano u noqonaya midka aqoonsiga qaran, inuu iskaga diiwaangeliyo caymiska caafimaadka ee NHIF , midka howlgabka ee (NSSF) iyo nambarka leesinka darawalnimo oo kale.
Xoghayaha joogtada ee waaxda socdaalka wadanka Julius Bitok ayaa intaasi ku daray in isbeddelladan ay yihiin kuwo waafaqsan qorshaha maamulka talada wadanka haya ee Kenya Kwanza ee ah in boqolkiiba 95 ee adeegyada dowladda ay u fidiso shacabka in laga dhigo kuwo casri ah si bixinta adeegyada dadweynaha ay u noqoto mid wax ku ool ah.




