Shacabka Isiolo oo u dareeray codbixinta doorashada ku celiska ah ee deegaannada

0
227

Codbixinta ayaa furmatay Khamiista maanta ah ee doorashooyiinka lagu qabanaayo kursiga barlamaanka ee deegaanka Koonfurta Isiolo iyo saddex kursi oo Golaha Deegaanka ah ee ku yaalla Galbeedka Kabras ee ismaamulka Kakamega, Muminji, ee ku yaalla dowlad deegaanka Embu, iyadoo Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha dalka ee (IEBC) uu shacabka ku adkeeyay in hab doorasho oo ammaan ah oo hufan la raaci doono.
Codbixinta aya bilaabatay 6 subaxnimo waxaa ayna socon doontaa ilaa 5 galabnimo, iyadoo guddiga uu ku booriyay in dhammaan codbixiyeyaasha safka ku jira waqtiga rasmiga ah ee xiritaanka lagu oggolaan doono inay codkooda dhiibtaan.
Guddoomiyaha IEBC Erastus Ethekon, ayaa sheegay in guddiga uu dhammeystiray dhammaan diyaargarowga farsamo iyo maamul ka hor maalinta codbixinta.
Tani ayaa waxaa ka mid ah diyaarinta iyo gudbinta agabka doorashada, shaacinta musharrixiinta iyo goobaha codbixinta, iyo adeegga iyo dejinta qalabka aqoonsiga codbixiyayaasha iyo gudbinta natiijooyinka elektaroonigga ah ee (KIEMS).
Sidoo kale, shaqaalaha doorashada ayaa la mariyay tababar dhameystiran oo diiradda lagu saaray xirfadda, daacadnimada, adeegga macaamiisha, iyo u hoggaansanaanta habraacyada rasmiga ah ee furitaanka codbixinta, tirinta, iyo gudbinta natiijooyinka.