Golaha Deegaanka oo Furay Ka-Qaybgal Dadweyne ku Saabsan Heshiiska Ruto iyo Sakaja

0
669

Golaha Deegaanka Nairobi ayaa ku dhawaaqay qabanqaabada ka qaybgal dadweyne oo labo maalmood socon doona si loo ururiyo ra’yiga bulshada ku saabsan heshiis iskaashi oo dhawaan dhexmaray dowladda ismaamulka Nairobi iyo dowladda qaranka.
Iyadoo la raacayo Qodobka 196(1) ee Dastuurka dalka, dadweynaha ayaa lagu casuumay inay ka qeybqaataan, isla markaana dhiibaan aragtidooda ku saabsan qaabka iskaashiga la soo jeediyay. Kalfadhiga koowaad ayaa loo qorsheeyay Khamiista maanta ah kaasoo ka dhici doono xaruunta Golaha Deegaanka oo 9:00 subaxnimo, waxaana ka qeybgalaya daneeyayaasha muhiimka ah.
Ka qaybgalka ayaa sii socon doona Jimcaha berrito ah marka Golaha uu qabto kalfadhiyo ka dhaca 17-ka maamul hoosaad ee Nairobi, iyadoo dhammaan 85-ka wakiil ay ka qeybqaadan doonaan.